Wararka

Faahfaahinta Qarax ka dhacay Muqdisho.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolanyo Booliska AMISOM oo maraayay waddada xeriiriso isgoyska Tarbuunka iyo KM4.

Qaraxa ayaa geystay 8 dhimasha ah iyo 12 dhaawac ah sida ay sheegeen Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo aheed xarun ay daris layihiin gooba waxbarasha ayaa sabab u noqotay dhimashada 8 ruux.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaan waxaa ayna intaas ku dareen in ay la beegsadeen saraakil caddaan oo tababarayaal milatari ah kuwaas oo ka soo baxay xerada Tababarka Jeneraal Goorden kuna sii jeeday dhanka xerada Xalane.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close