Wararka

Mas’uuliyiinta wasaaradda Gargaarka XFS oo isbitaalada ku booqday dhaawacyadii shalay.

Ujeedka kormeerkan mas’uuliyiinta wasaradda Gargaarka ayaa ahaa sidii ay u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay,si loo ogaado baahiyaha kaladuwan oo ay qabaan islamarkaan ay dowladda Soomaaliya uga geysato kaalinteeda garab istaaga dadkaasi.

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo mas’uuliyiin uu horkacaayay ayaa tagay isbitaalada Badiina, Ordugan,Shaafi,waxaana ay warbixino ka dhageysteen maamulada xarumahaasi caafimaad iyagoo weydiinayay xog ku saabsan sida ay kala yihiin xaaladda bukaanada.

Muqtaar Sheekh Xuseen agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa ugu horeyn fah faahiyay waxyaabihii ay la kulmeen,wuxuuna xusay  xogta marka ay soo dhameystiraan ay u gudbin doonaan hay’adaha dowladda ee u qaabilsan si loogu gar gaaro.

Kusimaha wasiirka Gar gaarka ahna Wasiir kuxigeenka gargaarka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xasan ayaa ka dhawaajiyay dowladda Soomaaliya ay gar gaar u fidinayso dadka xaaladoodi ay culustahay.

“Waxaan wadnay ilaa saaka shaqo taasi oo aan ugu gar gaarayna dadkii ku dhaawacmay qarixii,anagoo ah wasaaradda Gargaarka mas’uuliyiinteed aiyo shaqaalaha,waxaan tagnay isbitaalada,Madiina,Digfeer,Shaafi iyo meelo kale,waxaa noloo sheegay in lala tacaalay bukaanada,wixii intaasi dheer oo wax loo qaban karina waxaa caafimaad dibadda ah u qaadaysa dowladda Soomaaliya,taasi oo uu horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale raiiusl wasaare Khayre,”. Ayuu yiri wasiir kuxigeenka gargaarka.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaardda Gargaarka ayaa ka qeyb qaatay dhiig shubidda lagu caawinayay bukaanada,Dad badan oo shacab ah ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray weerarkii argagixisada Alshababa ay ka geysteen goobo ganacsi shacab uu lahaa.

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close