Wararka

Howlgal Logu Magacdaray Ca’isha Maxay Galabsatay Oo Ka Bilowday Magaalada Galkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa la Geeyay  ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland kuwaas oo loogu tala galay in ay wax ka qabtaan amniga magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee saaka gaarey Gaalkacyo ayaa ka soo baxay degaanka Bixin ee gobolka Sool,waxaana lagu amrey in ay howlgallo culus ka billaaban gudaha Magaalada iyo deegaanada hoos yimaadda.

Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xusseen Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku dhawaaqey hawlgal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howl galkan ayaa loogu magac darey Caaisha maxey galabsatay,waxaana magaalada Gaalkacyo ka jira kacdoonno looga dhiidhinayo dhacdadii xanuunka badnayd ee dhawaan ka dhacdey gudaha Gaalkacyo.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close