Wararka

Dowladda Qadar oo cambaareysay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii argagixisadu ay ku laayeen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dalka Qadar ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Dooxa si adag uga soo horjeedo rabshadaha iyo falalka argagixisada ee sida wuxuushnimada ah u waxyeeleeya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Waxayna Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay dadkii waxyeelada ka soo gaartay falkaasi argagixiso ee kooxda nabad diidka ay  habeen ka hor ka fulisay magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa ku celisay iney garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana ka taageereyso sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close