Wararka

Marwada Koowaad ee Qaranka oo dalka Turki-ga kaga qayb gashay kulan lagu  xusay Maalinta Afrika.

Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Zaynab Cabdi Macallim ayaa dalka Turki-ga kaga qayb gashay kulan lagu  xusay Maalinta Afrika oo ay martigelisay Dowladda Turki-ga.

Marwa Zaynab oo dalka Turki-ga  shaqa u joogta ayaa dhanka kale waxaa ay kulan laqaadatay Marwada Koowaad ee Dalkaas Marwo Emine Erdogan.

Kulanka labada marwo ay yeesheen ayay kaga wada hadleen habka lagu horumarin karo arrimaha haweenka, caafimaadka iyo waxbarashada gabdhaha

Inta ay marwo Zaynab ku sugantahay dalka turkiga waxaa ay kulamo layeelan doontaa gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas si ay ugu dhiirrigeliso waxbarashadooda iyo horumarka ay ka qaadan karaan dib u diska dalka.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close