Wararka

Diyaarada Qatar Airways oo samaysay duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah oo ay ku tagayso dalka turkiga.

Diyaarada Qatar Airways ayaa samaysay duulimaadkeedi tooska ahaa ee ugu horeeyay ee ay ku tagayso dalka Turkiga iyadoo si toos ah ugu soo kicitami doonta garoonka caalamiga ah ee Hamad ee caasimada Doha. Diyaarada Qatar Airways ayaa isbuuciba seddex mar ka dagi doonta garoonka İzmir Adnan Menderes ee dalka Turkiga.

Xaflad lagu xusaayo duulimaadkii ugu horeeyay ee ay diyaarada Qatar Airways samaysay ayaa lagu qabtay garoonka  Adnan Menderes, 95 rakaabka diyaarada lasocday ayaana ubaxya lagu soo dhaweeyay.

Safiirka Turkiga ee Qatar, Fikret Özer ayaa sheegay in duulimaadkaan uu yahay albaab cusub oo u furmay dalalka Qatar iyo Turkiga sababtuna waxaa uu ku sheegay in dhaqaalahooda uu kor u kici doona.

“ duulimaad kaan waxaa uu noqoniyaa albaab cusub oo u furmay xiriirka Qatar iyo Turki-ga .sababtuna waaa duulimaadyadaan tooska ah, dhoofinteeno dalka Qatar waa ay kici dontaa”, safiirka waxaa uu intaas ku daray intii lagu guda jiray xaflada “ maal-gashiga tooska ah iyo kan dadban ee Qatar ee Turkiga waxaa uu gaaray $20 billion oo doolar.

Mas’uul katirsan diyaarada Qatar Airways oo la yiraahda Sylvain Bosc, ayaa ka dhawaajiyay in duulimaadkaan uu shaqa abuur iyo dalxiisyaal uu samayn doona Turkiga.

“duulimaadyadaan waxaa ay abuuriyaan fursada cusub oo maal-galin ah iyo dalxiis”.ayuu yiri Sylvain Bosc.

Diyaarada Qatar Airways oo samaysay duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah oo ay ku tagayso dalka turkiga.
Diyaarada Qatar Airways oo samaysay duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah oo ay ku tagayso dalka turkiga.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close