Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ballanqaaday in ay baaris ku samayn doonto dil Wadareed ka dhacay Galkacyo.

Dowlada Soomaaliya oo ballanqaaday in ay baaris ku samayn doonto dil Wadareed ka dhacay Galkacyo.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya ayaa cambaareysay dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad ugu xuntahay falkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dilkii ka horreeyay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb.

Wasiir Maareeye ayaa dilkaas ku tilmaamay mid kala dheereeynaaayo shacabka Soomaaliyeed eee walaalaha ah oo muddo badan dhibaateysnaa sidoo kale waxaa uu sheegay in faciladaas aysan aheen kuwa ku haboon sharciga Islaamka.

“Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah, ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa, maamul Goboleedka Galmudug, Oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo wax garadka Soomaaliyeed in ficilkaasi lagu sameeyo baaris Lixaad leh, oo Dadkii ka dambeeyayna tallaabbo sharciga waafaqsan laga qaado, caddaaladdana la hor geyn doono.

Wasiirka ayaa ayaa tacsi u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen Dadkii lagu laayay Gaalkacyo, waxaa uuna  Alle ugu baryay naxariistii Janada dadkii dhintay Wuxuuna Shacabka u sheegay in ay is dejiyaan, loona daayo Dowladda dhexe in ay caddaalada hor keento Dadkii ficilladan ka dambeeyay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close