Wararka

QAAR KAMID AH ERGAYDA KA QAYB GALAYSO SHIRKA DIB U-HESHIISIINTA GALMUDUG OO GAARAY DHUUSA-MAREEB.

Magaaladda Dhuusamareeb ee Xaxrunta  dowlad goboleedka Galmudug waxa ka socda diyaar garow xoogan oo loogu jiro marti gilinta shirwaynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalinta barito  ah la filayo in uu ka furmo magaladaasi.

Sidoo kale  diyaarad siday qaar ka mid ah ergada la filayo in ay ka qeyb gasho shirka ayaa maanta ka degtay  Garoonka diyaaradaha  ee Magalada Dhuusa-mareeb.

Ergada ka qeyb galaysa shirka ayaana hataan badankooda wada joga Dhuusa-mareeb waxana shir waynahan lagu heshiisiinaya  beelaha wada daga Galmudug  oo in mudo ah uu khilaaf badani hareeyey  taas oo sababtay in Galmudug ay yeelato laba Baarlaman, laba Madaxweyne iyo laba Madaxweyne ku-xigeen oo xarun ka kala dhigtay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Gudiga wada qabanqaabada shir waynaha Galmudug ayaa horaan sheegay in ay si rasmi ah ugu diyaar garoobeen qabsoomida shirka iyagoona kormeer ku sameeyey xarumaha la filayo in ay dagaan ergada inta uu socda shirka

Maamulka Degmadda dhuusa mareeb  Ganacsatadda iyo qeybaha kala duban ee ku dhaqan  Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ka qayb qaadanaya ololaha loogu jiro  diyaar Garowga Furitaanka shirka iyo soo dhaweynta ergada shirka ka qayb galaysa.

Maalinta Barri ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 17-August ayaa la filyaa in si rasmi ah uu ufurmo sida ay horaan u shaaciyeen gudiga wada qaban qabada shirka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close