Wararka

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga oo sagootiyay ciidan tababar kusoo qaadan doona Turkiga.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumada federaalka Soomaaliya Xil.Xasan Cali Maxamed Amar-Dambe ayaa manta gaaray degmada Owdhiigle ee gobolka Shabellala Hoose halkaas oo uu kula kulamy qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed oo warbixin kasiiyay sida ay u socota shaqada howlgallada ay ciidamada kasameeyaan nawaaxiga deegaankaasi.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax waxaa uuna sheegay in dowlada dhawaan ay qorshaynayso in ay deeganka Owdhiigle ka fuliso mashaariic horumarineed oo faa’ido u leh dadka deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS Xil.Xasan Cali Maxamed Amar-Dambe ayaa sidoo kale galabta Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ka Sagootiyay Ciidamo Kumaandoos ah oo Tababar ku Soo Qaadanaya Dalka Turkiga , Ciidamadan ayaa ka Tirsan Ururka Afaraad Ee Gorgor Ee Kumaandooska.Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close