Wararka

Howl-gallo ka socda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa Howlgallo lagu xaqiijinaayo Amniga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose kwada saaka ilaa shalay Galinkii danbo waxaana lagu soo qab-qabtay howlgaladaas dad lagu tuhmay in ay gacan saar lalahayeen Al-shabaab sida laga soo xigatay Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa.

Howl-galkaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo shalay weerar ku bilaawday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay saldhig Ciidanka Xogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle kaas oo labada dhinacba ay guula ka sheegteen.

Dhawaan ayay ciidamada xogga dalka  la wareegeen gacan ku haynta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano hoostago gobolka  Shabeellaha Hoose.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close