Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo ka warbixiyay mowqifkooda ku aadan khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne ku–xigeenka 1-aad ee dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayad Aadan ayaa ka hadlay khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo mowqifka Jubbaland ee la xiriira arrimahaas.

Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu fadhiyaan in ay cadeyso halka ay dhibtu ka jirto, madaama Kenya ay Soomaaliya xiriir joogta ah la laheed mudda 30 sano ah sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland.

“Dabcan waad ogtihiin 30kii sano ee ugu danbeeyay Annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay iskaashi Amni, iyo xiriir wanaagsan, wixii kalifay in uu xiriirkaa xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed cadeyso”.ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayad Aadan ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Kenya ay martigalisay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed sidookale in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagan xaduud dheer dowladnimada maanta jirtana lagu soo aas-aasay dalka Kenya, isagoo arrinkaa kahadlayana waxaa uu yiri, “Kenya waad la soctaan waxaa ku sugan Qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, xudduud dheer –beynu leenahay, dowladnimada maanta jirta waa halka lagu soo aas-aasay oo muddo saddex sano ah la fadhiyay, niyad wanaag ayeey intaa noo muujineysay iyo in ay Soomaaliya nala dhisto’’

Madaxweyne ku xigeenka mar su’aal laga waydiiyay sida ay u arkaan mas’uuliyiintii dhawaan laga soo celiyay karoonka diyaaradaha ee Joma Kenya loona diiday visa-hii dalka ku galka iyagoo rabay in ay shir ugu qeyb galaan magaalada Nairobi ayuu sheegay in ay aad ugu xun yihiin loona bahan yahay in labaaro sababta keentay in la soo celiya.

“Runtii waa wax laga xumaado in mas’uuliyiin howl-Qaran u socday la soo celiyo, laakiin waa in laftirkeeda baaritaan lagu sameeyo sababta keentay in la soo celiyo iyo in ay iyagu qaladka lahaayeen’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close