Ciyaaraha

Pogba oo qaadaya tilaabo u dhaweeyneeyso Real Madrid.

Xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man united ee Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu qaado talaabo ku dhaweeyneeyso Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaarkiisa si uu u dhamaystiro ku biirista Real Madrid.

Xidiga khadka dhexe ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man united kuna biro Real Madrid ugana hoos ciyaaro tababare Zidane.

26jirkaan reer France ayaa kooxda Man United ka qaata lacag dhan 2900 kun oo gini todobaadkii Laakiin los blancos ayaan diyaar u ahayn in ay lacagtaas bixiso si ay  u hesho saxiixa xidiga khadka dhexe .

Sikasta ha ahaatee wargayska Mundo deportivo ayaa sheegaya in uu xidiga koobka aduunka ku guulaystay uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mishaarkiisa.

Zidane ayaa doonaya in uu Pogba ka dhigo xidigaha ugu muhiimsan kooxda xili ciyaareedka dambe xili uu doonayo in uu dhiso koox u tartami karto koobab xili ciyaareedka dambe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close