Wararka

Dowlada Soomaaliya oo dhaleeceysay gantaalo lagu soo gamay magaalada Makka Al Mukarama.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku cambaaraynayso gantaalo lagu soo gamay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama kuwaas oo cidamada cirka Sacuudiga ay ku qarxiyeen hawada Magaalada Dhaa’if iyo Magaalada Jidda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan”.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda”.

Hoos ka akhriso war-qada ay soo saartay dowlada Soomaliya:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close