Wararka

MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.Image may contain: 4 people, people sitting and tableImage may contain: 1 person, standing, shoes and outdoorImage may contain: sky, tree and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close