CiyaarahaWararka

Tababarihii hore ee da’yarta 23 sano jirada kooxda Newcastle United Peter Beardsley, oo lasoo dacweeyay.

 

Tababarihii hore ee da’yarta 23 sano jirada kooxda Newcastle United Peter Beardsley, ayaa xiriirka kubada cagta Ingariiska ku soo oogen in uu cayaartooy uu u adeegsaday haddalo cunsuurnimo ah.

Beardsley, oo ka hayaamay  kooxda bishaan kadib baaritaan kooxeed oo 14-bilood socday ayaa si qayaxan u xaqiray eedemaha

Kooxda  La-dagaalanka cunsuriyada ee Kick It Out ayaa ku edaysay kooxda Newcastle in aysan caddeynin  sababata uu kooxda ugu tagay Beardsley.

Beardsley ayaa lakulmay cabashooyin badan oo ay ka mid tahay in uu aflagaado iyo cunsuurinimo kulla kacay cayaaryahan ka soo jeeda dalka  Morocca, kasoo lagu magacaabo Yasin Ben El-Mhanni oo qadka dhexe ka cayaari jiray kooxda newscastle isagoo  koxda katagay bishii  Janaayo sanadkii tagyay.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa yiri: “Mr Beardsley waxaa lagu soo edayey inuu xadgudub ama ereyo cunsuuri uu u isticmaalay 23 sanno jirada kooxda Newcastle United tasoo kasoo hor jeeda qawaaniinta Xiriirka Kubadda Cagta FA.

Ugu danbeentii Peter Andrew Beardsley oo  ahaa cayaaryahan hore oo Ingiriis  ah ayaa laga sugiyaa inuu jawaab kasoo bixiyo edeentaas ilaa iyo 12 April 2019.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close