Wararka

Guddiga Dhaqaalaha Puntland oo kormeer ku tagay Xarunta kastamka Gobolka Sool.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta kastamka Gobolka Sool ee Faliryaale.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen maamulaha kastamka Jamaal Cabdullaahi Cabdi iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Cismaan Yuusuf oo soo dhaweeyey Guddiga, warbixina ka siiyey hab sami u socodka shaqada iyo baahiyaha jira.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ayaa kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close