Wararka

Kim Jong-un oo dib ugu soo muuqday Warbaahinta 20 maalmood kadib.

Waxaa shaki galay aragtidiisa, dadka ku nool caalamkana waxaa ay suala iska waydiiyeen xaaladiisa caafimaad ka dib markii uu in ku dhaw seddex Isbuuc uusan ka soo muuqan muuqaal baahiya dalkaasi.

Waa hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi ee Kim Jong-un kaas oo wareer galiyay warbaahinta caalamka, waxaana labadii Isbuuc e ugu danbeeyay la’isla dhexmaraayay geerida hoggaamiyaha balse dib ayuu ugu soo muuqday munaasabad uu xarriga ugu jaraayay warshad baac-rimin ah.

Kadib markii uu ka soo muuqday munasabadaan uu xariga kaga jaray warshadaan baacriminta ayaa waxaa baroor farxadeed galay shacabkii ku sugnaa halkaasi.

Tan iyo 12-kii bishii April oo caalamka uusan helin xogta hoggaamiyahaan ayaa waxaa dareenkooda muujiyay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu san wakhtigaani diyaar u aheen in uu aragtidiisa ka dhiibta dib u helida muqaalka hoggaamiyaha mayalka adeg ee Kuuryada Waqooyi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close