Wararka

Sarkaal Gaashaanle dhexe ah Oo Muqdisho isku daldalay.

Wararka laga helayo Xaafada Sheelare ee degmada xamarnjajab ayaa waxay sheegayaan in Sarkaal sare  oo lagu magacaabayay Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed uu isku dal dalay gurigiisa oo ku yaal degmada xamar jajab xiliga uu is daldalayay ayaa la sheegay inuu xirnaa dharka booliiska iyo darajada gaashaanle dhexe.

Cabdi Cali Seed  ayaa horey usoo noqday taliyaha Saldhiga degmada waaberi Ma cadda ujeedada uu isku daldalay Sarkaalkan, hase ahaatee waxaa socda baaritaan ay wadaan Ciidanka dambi baarista Booliska, iyadoo Meydkiisa saaka loo qaaday Xarunta CID, si baaritaan loogu sameeyo.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close