Wararka

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo dib ugu labtay Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee caasimada KMG Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis oo mudo todobaad ah Safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Koonfur Galbeed howlgallada ay ka wadaan Deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha KGS ayaa Xudur ugu baxay Xalinta cabasha ay shacabka ku dhaqan magaalada Xudur qabeyn kaas oo ahaa jid gooyo iyo cuni yari soo food saartay.

Qaar kamid ah Ganacsatadda Ka soo jeeda maamulka KGS ayaa horeyba ugu jawaabay baaq ka soo yeeray maamulka KGS kaas oo ahaa in laga garab siiyo caawinta dadka dhibataysan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close