Wararka

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska u Jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender.

Kulanka uu madaxweyne Biixi la qaatay safiirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha ammaanka, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminaayay Amb. Ben Fender waxaa uuna amaanay dadaaladda ay ku bixiniyaan waddahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ugu danbeyn madaxwenaha Somaliland ayaa madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha waxaa kulankaan wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha.Image may contain: 4 people, suitImage may contain: 2 people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 8 people, people smiling, indoorImage may contain: 5 people, suit and indoorImage may contain: 2 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close