Wararka

Ururka xamaas oo Gantaalo ku garaacay waqooyiga isreal.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay Daanta Galbeed ee marinka  Gaza ay saaka ku dhaceen  bartamaha dalkaasi,halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray 7-ruux.

Weerarka gantaalkaasi waxaa lala beegsaday Mishmeret, oo ah magaalo beereed dhacda Woqooyiga Israa’iil,waxa uu ku dhacay guryo dadweyne, kaas oo  dhaliyay dab qabsaday halkaasi iyo dhaawacyo 7-ah oo soo gaaray dadka deegaanka.

Shilkaan ayaa yimid xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya Yuhuudda iyo dadka reer Falastiin oo waqtigaan ku howlan  bannaanbaxyo sanadle ah oo qeyb ka ah sida looga horjeedo  qabsashada dhulalka Falastiin

Weerarkaasi  ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyadoo 10-cisho ka hor kooxda Xamaas ay gantaallo ku garaaceen gudaha magaalada Tel Aviv

Gaza oo ah dhul ay maamulaan kooxda Xamaas,haddana waxaa jira kooxo kale oo ka dagaalama iyo kuwo ay taageeran dalka Iiraan.

Ra’iisal wasaaraha Israa’il oo booqasha ku joogo Mareynkanka ayaa soo gaabiyay safarkiisa,wuxuuna ku hanjabay iney israa’il jawaab kulul ka bixin doonto Gantaalada lagu soo ganay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close