Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo  Qado Sharaf U Sameeyey Saraakiisha Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaaasibad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay Maamulka Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Soomaaliland.

Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa ahaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi oo hogaaminayo G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere).

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close