Wararka

Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galaayo meertada 33-aad ee Shir madaxeedka Midowga Africa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ka qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close