Wararka

Madaxweynaha dalka oo sameeyay Taarikh cusub kadib markii uu xariga ka jaray Taalooyin horay loo bur buriyay

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda astaamahan iyo casharrada ma guurtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay waqti kasta kala bixi karaan Taarikhda dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid uga dul-istaagay dhamaan taaloyinkii uu xarigabja jaray, waxa uuna Alle uga baryey dhamaan halyeyadii u soo halgamay dalka in uu ka abaal mariyo halgankii xornimadoonka ahaa iyo in ay naftooda u hureen si dadkooda iyo dalkooduba ay xor u ahaadaan.

“Dalkeennu waxa uu leeyahay halyeeyo badan oo ay tusaale u yihiin halgameyaashan aan maanta maamuuseyno, waxaan rajaynayaa in aan wado xusno si la mid ah taalooyinka maanta halyeey kasta oo dalkeenna wanaag ku daray. Dhammaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka Soomaaliyeed waxa ay naga mudan yihiin maamuus iyo duco.”

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii amba-qaadaan halgankii halyeeyadooda, kana miro dheliyaan hiigsigii ay naftooda u horeen oo ku saleysan midnimo, wax-wadaqabsi iyo in ay noqdaan dad iyo dal miisaankooda ku leh dunida.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close