Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kulan kula qaatay wasiirka maaliyadda Norway, marwo Siv Jensen waxaa ayna kadawa hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya ee deyn-cafinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay dareenka shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar dooceedyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close