Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay Allah u naxariistee geeridii ku timid Marxuum Cali Cumar Sheegow .

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay Allah u naxariistee geeridii ku timid Marxuum Cali Cumar Sheegow kaas oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka banaadir sanadii 1959-1961-kii.

Marxuum Cali Cumar Sheegow ayaa soo qabtay jagooyin kala oo kala nooc ah.Marxuumka ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Belgium iyo suuqa Europe sanadii 1961-1964.

Laga soo bilaabo sanadii 1964-kii ilaa 1968 waxaa uu ahaa xildhibaan ka soo gala Magaalada Barawe isagoo soo qabtay xilalka wasiirka Qorsheynta, Maaliyada, Beeraha iyo Wasiiru dawlaha arrimaha Dibedda iyo Guddoomiyaha Guudiga Olambikada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto oo Janaddii Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Cali Cumar Sheegow ayaa khamiistii ku geeriyooday magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close