Wararka

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland oo booqday boqolaal ciidanka Booliska Jubbaland.

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur oo maanta mar uu ku sugnaa xarunta Taliska qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose kula hadlay boqolaal ciidanka Booliska Jubbaland kuwaas oo la amray sidii ay u sii labo Jibaari lahaayeen sugidda amniga maadaama la gelayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Booqashada wasiirka waxaa wehelinaayay Taliyaha guud ee ciidanka Dowlad-goboleedka Jubbaland Ge. Aadan Maxamuud Ibraahim, Taliyaha Booliska gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle sare Maxamed Guulleed Xassan iyo saraakiil katirsan Ciidanka Dowladgoboleedka Jubbaland

Saraakiisha ayaa sidookale waxaa ay ciidanka amar ku siiyiin in ay soo qab-qabtaan dadka aan soomin oo inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ka sida qarsoodiga ah u karsada cuntooyinka.

Taliyaha guud ee ciidanka Dowlad-goboleedka Jubbaland Ge. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay si wacan shaqadooda u gutaan iyo waajibkooda shaqo.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close