Wararka

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo sharci darro kutilmaamay xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed)  oo maanta magaalada Beledweyne  ku qabtay Shirka jaraa’id ayaa waxaa uu ka hadlay xil kaqaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Mohamed Abdi Waare.

Yuusuf Axmed Xagar ayaa kasoo horjeystay xilka qaadistaas waxaa uuna ku tilmaamay mid baal marsan sharciga isagoo dowlada Federaalka ugu baaqay in ay soo fara galiso.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xilka loo dhiibay xili madaxweyne Waare iyo dowlada isku dhacsanaayeen xiligaas oo madaxweyne waare uu ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xariirka u jaray dowlada Federaalka waxaa uuna ku eedeeyay in uu waare yahay shaqsi aan laheen go’aan oo marba uu dhinac lasafto.

Dabageed waxaa uu tilmaamay in sharciga iyo Dastuurka u dajisan dowlad goboleedka Hirshabelle usan qabin habka loomaray xil ka qaadistiisa waxaa uuna carabaabay in qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle uu dhigayo in Madaxweynaha oo dalka ka maqan aanu waxna bedeli karin, waxna magacaabi karin.

“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed)  ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay soo faragaliso xaaladaan waxaa uuna sheegay in dadka Hiiraan wax wada shaqeyn iyo xiriir ah la sameyn doonin Maamulka Hirshabeelle.

“Aniga waxaa meesha ku imid talada dowladda Federaalka, illaa dowladda Soomaaliyeed faragelin ka soo sameyneyso arrinta Gobolka Hiiraan, wax wada shaqeyn iyo xiriir ay la sameynayaan ma jirto dadka reer Hiiraan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close