Wararka

Maamaulka Jubbaland oo digneen udiray odayaasha kasoo jeeda deeganada Jubbaland.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu qabtay shir seddexdii biloodba mar la qabto kaas oo looga hadlo xaaladaha Amaanka deeganada dowlad goboleedka Jubbaland waxaana maanta shir guddoomiyay Kulanka madaxweyna ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Muxamuud Sayid Aadan.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland, Taliyaasha ciidamada iyo Saraakiil kale waxaana intii uu kulanka socday looga hadlay adkeynta amniga Jubbaland, magacaabista guddi Saraakiil ka Kooban oo AMISOM kala shaqayn doonta sugida Amniga inta ay socota doorashada Dowlad goboleedkaas iyo qodoba kala oo dhowr ah.

Cabdi Mahdi C/salaad, Lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee dhanka Amniga ayaa gaba-gabadii ka warbixiyay u jeedada shirka waxaa uuna sheegay in intii uu kulanka socday la’isku raacay qodoba dhowr ah oo ay kamid yihiin joogteeynta shirka seddex biloodlaha ah iyo sidii loo magacaabi lahaa guddi saraakiil ka kooban oo ciidamada AMISOM kala shaqayn doona sugida Amniga Jubbaland inta ay doorashada socota.

Lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee dhanka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in kulanka laga soo saaray sharci lagu ciqaabaayo odayaasha kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ee aqbala baaqii ay Al-shabaab u soo jeediyeen ee ahaa in ay yimaadaan deeganada ay Al-shabaab ka taliyaan waxaa uuna sheegay in oday kasto oo sidaas sameeyo lagu ciqaabi doona; lix bilood oo xarig ah, in lagala laaban doona kalsoonidii oday-nimo iyo in lagu ganaaxo in uu keeno laba qori oo hubka fudud ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close