Wararka

Odayaashii dhawaan la kulmay madaxweyne Biixi oo Ra’iisal wasaare ku xigeenka ugu warbixiyay kulankoodii.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Maxamed Xasan Xaad oo ah nabaddoon kamida odayaashi kulanka lasoo qaatay madaxweynaha Somaliland kuwaas oo kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay Muuse Biixi Cabdi ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa amaan iyo Boogaadin u soo jeediyay madaweynaha Somaliland sida xushmadda leh ee uu u qaatay go’aanka xuriyaddooda dib loogu soo celiyay 19 dhalinyara ah oo horay maxbuus u ugu ahaa dowlada Seychelles iyagoo in muddo ah ku xirnaa xabsiyada Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Odayaasha ayaa intii u kulanka socday waxaa ay ra’iisal wasaaraha ka codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close