Wararka

Wasiir Warfaa “Wasaaradda maalintii aan xilka la wareegayay, waxay aheyd goob uu dhiig ka daadannayo”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in markii uu wasaaradda kusoo biraayay ay aheed meel dhiig ku sharaxan yahay taas oo keentay in dadka qaar ay kula taliyeen in xafladiisa caleema saarka uu ku qabsado gooba kale balse uu ka dhaga adkaystay.

“Wasaaradda maalintii aan xilka la wareegayay, waxay aheyd goob uu dhiig ka daadannayo oo xata laygula taliyay inan goob kale xil-wareejinta ku qabsano, taas waan diidnay, waana dhabar adeygnay, hal maalina shaqada nagama istaagin,  annaga ayaana ka -kabannay oo muraayaadaha iyo xafiisyada dayac tirannay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka oo hadalkiiisa sii wati ayaa sii raaciyay in markii hore ay ay wadeen ka kabasho balse ay hadda si rasmi ah u dhagax dhigeen dib u dhiska rasmiga ah ee wasaaradda ” Markii hore ka kabasho ayay aheyd, laakin maanta waxaan dhagax dhignay dib u dhiska rasmiga ah ee wasaaradda,iyada oo aysan deyn noqon doonin dhaqaalaha lagu dhisayo,laguna casriyeennayo.” ayuu ku daray.

       

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close