Wararka

Libya oo Faransiika ka dalbatay in ay faahfaahiso gantaalo laga leeyahay faransiiska oo laga helay saldhig uu daganaa korneel Haftar.

Dowlada Libya ayaa khamiistii sharaxaad dheeraad ah ka dalbatay dowlada Faransiiska kadib markii saldhig ay daganaayeen Ciidamada falaagada ee uu hoggaamiyo korneel Khalifa Haftar laga helay gantaalo ay leedahay dowla Faransiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Libya Mohamed Taher Siala ayaa dhigiisa dalka faransiiska Jean-Yves Le Drian waydiiyay in uu fasiraad ka bixiyo sida ay gantaaladaas ku gaareen ciidamada Haftar.

Korneel Haftar ayaa ciidamada daacada u ah ku amray bishii April in ay xoog ku qabsadaan caasimada Libya ee Tripoli.

Wasiirka difaaca dalka Faransiiska oo warbixin siinaayay wargayska the New York Times arbacadii ayaa sheegay in gantaaladaas oo lagu magacaabo Javelin missiles oo lagu sameeyay dalka Maraykanka laguna daahfuray kaam ku yaallo koonfurta Tripoli bishii June ay soo iibsatay dowlada Faransiiska balse waxaa uu xaqiray in ay u gacan galiyeen ciidamada daacadda u ah korneel Haftar.

Gantaaladaan oo ay gacanta ku soo dhigen ciidamada Libye oo gacan ka helaayo kuwa nabad sugidda ee Qaramada Midoobe ayaa ka soo qabtay saldhigga Gharyan oo 100km koonfur kaga began caasimada Tripoli.

Sidoo kale gantaaladaan ayaa qiimahooda waxaa lagu sheegay lacag dhan $170,000 oo doolar ah una dhiganta €150,000 euro ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close