Wararka

Madaxweyne Ahmed Islaam oo booqday Deegaanka Goobweyn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deeganka Goob-weyn oo ah goob dalxiis waxaa uuna halkaas wakhti kula qaatay bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Madaxweynaha waxaa Booqashada kuwehlinaayay Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Xildhibaanno heer  Federaal ah, Odayaasha dhaqan iyo dadweyne kale.

Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka Gobweyn waxaa uu kulamo la qaatay qaar kamida odayaasha iyo bulshada deegaankaas waxaa uuna ka dhagaystay aragtiyadooda iyo afkaaraha ay ku biirinayaan geedi socodka Jubbaland.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku soo aadan doorashada Golaha Baarlamaanka Jubbaland iyo tan madaxweynaha waxaana magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Jubbaland laga dareemiyaa qaban qaabada iyo ololaha dorashada madaxweyne ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Image may contain: one or more people, people sitting, people eating, table and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting, tree and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting and outdoorImage may contain: 2 people, crowd, tree and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, wedding and outdoorImage may contain: 1 person, crowd, wedding, tree and outdoorImage may contain: 11 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: sky, cloud, tree, grass, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close