Wararka

Duqa Muqdisho oo maanta xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada ay ka danbeysay codsi ka yimid shacabka ku dhaqan degmada Boondheere kuwaas oo dalbaday in loo dhiso xarunta Biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ku haysay shacabka deegaanka.

“Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada, bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan, anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyhu ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay in aysan biyuhu gudbin”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la ballaariyey, si casri ahna loo dhisay, taas oo qayb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka. Sidookale Guddoomiyaha ayaa sheegay in markaana la howlgelinayo dhammaan goobaha biyo qabadka ee Caasimadda, si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah.

Ugu danbayn Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda kuwaas oo si Isxilqaan ah u dhisay Warta biyo-qabadka Xamar Jadiid.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close