Wararka

Inkabadan 10,000 oo qoryaha gacanta oo lagu soo wareejiyay dowlada New Zealand.

Kadib weerarkii lagu qaaday masjidkii ku yaalay magaalada Christchurch ee dalkaasi New Zealand, halkaasi oo lagu laayay dad Muslimiin ah oo ku jiray gudashada Acmaasha uu Alla faray ayaa waxaa jiray in dowlada New Zealand ay dadka sita hubka ay kusoo rogtay sharci looga dalbanaayay in ay hubkooda kusoo wareejiyaan dowlada New Zealand.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalka New Zealand, inkabadan 10,000 oo qoryaha Gacanta ah ayaa lagu soo wareejiyay dowlada dalkaas taas oo ka jawaabayso baaqii ahaa in dadka  hubka sito ay hubkooda kusoo wareejiyaan dowlada.

Sidoo kale shaqsiyaadka aan wali wareejin hubka ayay dowlada New Zealand u qabatay in ay fursad haystaan ilaa 20-ka bisha December si ay hubkooda ugu soo wareejiyaan gacanta dowlada New Zealand.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close