Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Matalaada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka qayb galay xuska 60 sano guurada oo ku beegan 1-da Luulyo markii ay gobolada Koonfureed xuriyada ka qaateen guumaystihii Talyaaniga sidoo kalena ay midoobeen gobolada waqooyi iyo Koonfureed ayaa soo hadal qaaday arrimaha buranka badan dhaliyay ee Baarlamaanka dalka ku meel mariyeen Matalaada Gobolka Banadir.

Madaxweyne Axmed ISlaam ayaa sheegay in Caasimada dalku ay xaq u leedahay maqaam iyo maaamuus gaar ah iyadoo dastuurku uu qeexayo sida loo sameenayo iyo wadada la marayo, dhamaana la isku raacsanyahah in taas laga dhabeeyo, balse matalaad kaliyah oo aan maqaam wadanin ay abuurayso in shacabku ay ku kala qaybsamaan ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Bulshada la iska horkeeno.

Sidoo kale madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Dalka u sheegay in ay ka go’antahay sidii Gobolka Banaadir uu u heli lahaa xaqa uu leeyahay iyadoo aan dano gaar ah iyo mansab lagu raadsanayo aanay jirin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close