Wararka

Seddex nin oo ka tirsanaa Al-shabaab oo xukun dil ah lagu fuliyay Muqdisho.

Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ku eedaysnaa weerar sannadkii 2017 lagu qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Saddexda nin ee Maxkamaddu xukunta dilka ah ku fulisay ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Farxaan Maxamed Samatar Cabdinaasir Dhaqane Xassan iyo Abshir Maxamed Xaaji oo sida maxkamaddu sheegtay dhammaantood lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana ay fuliyeen weerar ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2.

Weerarkaas ayaa dhacay 28-dii October 2017 waxaana xiligaas ku dhintay 18 ruux halka in kabadan 40 kalena ay ku dhaawacmeen iyadoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close