Wararka

Madaxweyne Dini oo manta daahfuray buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland.

Munaasabadda lagu daah-furaayay buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH.

Madaxweynaha waxaa munaasabada kala soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax , macalimiin, Hay’addo daneeya Waxbarashada Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka buugga ardayga iyo hagaha macalinka ayaa ah in lasoo saaro manhaj tayo leh, waxaana la daabici doonaa sanadkaan dhaxdiisa  iyadoo la gaarsiin doona guud ahaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweye Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale kormeray fasalada ay wax ku bartaan macalimiinta loo diyaarinayo in ay wax ka dhigaan dugsiyada Puntland oo dhigta Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay I uu kasoo qayb galo daaffurka buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland isagoo sheegay in wax barashadu tahay mida guusha lagu gaaro.

” Runtii waxay ii tahay farxad weyn in aan kasoo qayb-galo daahfurkan maanta oo runtii Puntland u ah tusmo horumar iyo tiigsi balaaran oo dhinaca tacliinta ah, ummad walba oo jirta oo horumar ka hadlaysa waxa la hormarinayo waa dadka, guryaha iyo dhismuhuna wax tari maayo haddaan dadka la horumarin” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: car, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 7 people, people standing and people sittingImage may contain: 2 people, people standing and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, suitImage may contain: 4 people, table and indoorImage may contain: 9 people, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close