Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kulan kula yeeshay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo July 01.

Guddooomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliye, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shika  looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo July 01, sidoo kale waxaa uu sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigeen qorshahooda waynaynta munaasabadda.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigu ay shaqo wanaagsan qabteen kadib markii uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay ka shaqaynta xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay qorshaha guddiga waxaa uuna  kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan in munaasabadda xusku ay ku dhacdo qaabka ugu wanaagsan ee loo wayneyn karo.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa 9-kii bishaan magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ka kooban wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close