Wararka

General Odawaa oo ka warbixiyay weerar Maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga degmada Awdheegle.

Weerar maanta lagu qaaday Saldhig Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Qaranka waxaa uuna sheegay in ay iska caabiyeen weerar ugu yimid dhanka Al-shabaab.

Weerarkaan ayaaa  ku bilawday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana xigay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidanka Xogga dalka.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaayo xili ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed ay lawareegeen gacan ku haynta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo sidoo kale deegana dhowr ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close