Wararka

wasiirka arrimaha Guddaha oo kormeer ugu tagay Guddiga qaban qaabada shirweynaha Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir ayaa Maanta Booqasha ugu tagay Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka  mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha waxaa kulanka ka warbixiyay Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow waxaa uuna  sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, lana diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close