Wararka

Galmudug oo noqotay maamulkii ugu horeeyay ee ay ka dhacdo doorashada aqalka hoose iyo natiijada kuraasta HOP#104 iyo HOP#272.

Duddiga maamulka Doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta qabtay kuraastii ugu horeeyay ee Gollaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay Galmudug.

Kursiga Sumadiisu tahay HOP#104 ayaa waxa ku tartamayay musharixiinta kala ah musharax xildhibaan Mahad Cabdala Cawad iyo Musharax xildhibaan Marwo Shukri Cali Faarax.

Mahad Cabdala Cawad oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee golaha shacabka ayaa helay 84 cod halka Shukri Cali Faarax (O) cod, Waxaa halaabay 17 cod.

Natiijada hordhaca waxa kusoo baxay Xildhibaan Mahad Cabdala Cawad.

Kursiga Sumadiisu tahay HOP#272 ee aqalka Hoose ku matali doona gobolada Waqooyi oo ay ku tartameen musharixiinta kala:

1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
2. Khadra Axmed Ibraahim
3. Cabdiqani Maxamed Maxamuud

musharax xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa helay 65 cod, Marwo Khadra Axmed Ibraahim 25 cod, halka musharax xildhibaan Cabdiqani Maxamed Maxamuud uu helay 7 cod.

Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.May be an image of 3 people, people standing and suitMay be an image of 2 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close