Wararka

Faah faahin ayaa kasoo baxayasa qarax haleelay gaari marayay in isgosta soobe ee magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nuuciisu ahaa kuwa aan xabadu karin ee (buruufka) loo yaqaan, kaas oo marayay nawaaxiga isgoska soobe.

Wararka uu helayo Tusmo Tv  ayaa sheegaya inuu qaraxu gaystay qasaaro dhawacyo ah oo gaaray shaqsiyaad saarnaa gariga iyo kuwo goobta ka dhawaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya gariga qaraxa lagu xiray inay lahaayeen shaqaalo ka tirsan kuwa Turkiga ee dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Maalmo ka hor, ayaa qarax miino waxaa lagu dhaawacay injineer Turki ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close