Wararka

Dowlada Soomaaliya oo Jaamacadda Hiiran la wareegtay.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay Jaamacadda Hiiraan taas oo loo baddalaayo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxaa ayna noqon doontaa qaybta ama faraca labaad ee ay Jaamacadda umadda ka furanayso Gobolada dalka kaso koow Galmudug oo ay ku leheed xarun.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre oo shalay safar shaqo ku tagay Magaalada Baladweyne ee caasimada Hiiran ayaa Jaamacaddaan kala wareegay madaxweynaha dowlad goboleedka Heershabeelle Dr. Mohamed Cabdi Waare.

Wasiirka ayaa madaxweynaha ugu mahadceliyay dareenka wanaagsan ee uu u soo bandhigay waxaa uuna sheegay in Jaamacadda ay wax badan ka baddali doonta tacliinta sare ee dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay dareenka wanaagsan ee uu Madaxweynaha Hirshabeelle soo bandhigay, taasi oo ah in aan la wareegno Jaamacadda Hiiraan, isla markaana ay noqoto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteeda Gobolka Hiiraan. Waan ka aqbalay codsiga, dhulkiina waan la wareegnay”.ayuu yiri wasiir Godax.

Wasiirka ayaa inta oo joogay Galmudug waxaa uu dhagax dhigay xarunta tababarka macalimiinta oo uu sheegay in ay wax badan u qaban doonta macalimiinta dowlad goboleedyada Heershaballe iyo Galmudug.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close