Wararka

Haweeney caan ka aheyd dalka Ruush-ka oo Geeriyotay.

Valeria (Iman) Porokhova, oo 79 sano jir aheyd taas oo caan ku aheyd Turjimista Quraanka Kariim-ka ah ee ay U turjumi jirtay Luuqadda Ruush-ka ayaa ku geeriyootay Magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruush-ka.

Haweenaydaan ayaa geeriyootay maalinimadii Isniinta ee ku begneed 2-dii bishaan waxaana 4-bishaan September lagu aasay Masjid ku yaalay caasimada Moscow ee dalka Ruushka.

Porokhova ayaa sanadkii 1940-kii ku dhalatay Magaalada Tsarskoye Selo ee dalka Ruush-ka waxaa ayna kasoo jeedaa qoys hasto diinta Kiristaaan ka.

Porokhova waxaa ay ka qalin jabisay macad lagu barto luuqadaha oo ku yallo Ruush-ka waxaa ayna shaqo bilawday iyadoo 18-sano jir ah waxaa ayna kasoo shaqaysay xaruma ay ka mid yihiin Akadamiyada Barashada Cilmiga dabiiciga.

Sanadkii 1975, ayay Porokhova guursatay nin Siiriyaan ah waxaa ayna isaga Haajirtay Magaaladii Moscow oo waxaa ay aaday caasimada Dimishiq (Damascus) sanadkii 1981 halkaas oo ay ku qaadatay diinta Islaamka waxaana halkaasi ugu baxay magaca “Faith” oo micnihiisu yahay Imaan.

Intii ay ku nooleed Siiriya waxa ay ka shaqeyn jirtay Turjumista Quraanka Kariim ka ah ee ay ku Turjumaysay luuqada Ruushka waxaa ayna dhamaysay shaqadaasi Turjumidda ah sanadkii 1991-kii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close