Wararka

Dowlada Soomaaliya oo Mar Kale Ku Celiyay In ay Cafis U fidineyso Dhalinyarada Kasoo baxa Al-shabaab

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa kordhiyay howlgalada Ka Dhanka Ah Xarakada  Alshabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Xassan Cali Maxamed (Amardambe) oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Alshabaab uu waqtigoodi dhamaaday, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay wadaan howlgallo Al-shabaab Looga Saarayo Guud ahaan Dalka.

Sidoo Kale ayaa ku celiyay in uu weli furanyahay cafiskii madaxweyne farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka tirsan al-shabaab ee isu soo dhiiba dowladda soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaallanta al-shabaab in ay isu soo dhiiban dowladda federaalka soomaaliyaWaxa Uuna Wasiirku U ballan qaaday in cafis loo fidin doono islamarkaana dhaqan-celin loo samayn doono dhalinyarada KAsoo baxa Al-shabaab.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close