Wararka

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) oo war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku qayixaayo mowqifkiisa ku aaddan xaaladda dawlad goboleedka Galmudug, doorashooyinka Jubbaland iyo khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamida Dawlad Goboleedyada.

Baaqa uu soo saaray Xisbiga UPD ayaa walaac looga muujiyay xaalada siyaasaded ee dowlad goboleedka Galmudug iyo doorka ay dowlada federaalka ku leedahay iyagoo sheegay in ay ugu cabsi qabaan in Galmudug ay ka dhacdo xaalad amni darro, digaaladdii laga soo gudbayna dib loogu laabta sidaas dardeed ayuu xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaa uu dowlada u soo jeediyay in ay muujiso biseel siyaasadeed si looga hortaga in Galmudug colaad ka dhacdo.

Xisbiga UPD ayaa dowlada ugu baaqay in maamulka Galmudug laga qaado cuna-qabateen dhaqaale oo ay saartay dowlada dhexe ku dhawaad mudda sanad ah sida war-saxaafadeedka ku xusan.

Ugu danbeyn xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay wadaan danjirayaasha beesha caalamka iyo AMISOM eek u aadan doorashada Jubbaland ee lagu wada in ay qabsoomta sanadkaan dhaxdiisa isagoo ugu baaqay in dowlada federaalka ay joojiso iskana ilaaliso in ay wax fara-galin ah ku yeelato doorashada lagu wado in ay ka qabsoomta dowlad goboleedka Jubbaland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close