Wararka

(akhriso): Laba qiso oo cajiib ah oo uu shaaciyay Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya

"Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha.

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa markiisi ugu horeysay ka hadlay shaqada ay qabata NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay.
Fahad Yaasiin ayaa xusay laba kamid ah sheekooyinkii ugu cajiibka badnaa ee uu la kulmo inta uu ahaa Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya.

“Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso.” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.”

Sidoo kale Fahad ayaa ka sheekeeyay hooyo iyo wiilkeeda oo wada qortay Sirdoonka balse aan iska warheynin oo si cajiib ah isku arkay.

“Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close