Ciyaaraha

N,GOLO Kante oo seegi doona finalka Europa league.

N,golo kante ayaa niyad jab ku riday kooxda Chelsea kuwaas oo ku jira isku diyaarinta finalka Europa league ee ay la ciyaari doonaan kooxda Arsenal.

N,golo Kante ayaa seegi doona kulanka  muhiimka ah ee ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda  Arsenal kulan ka dhici doona Baku kadib markii uu dhaawac jilibka soo gaaray  xidiga.

Xidig khadka dhexe ee reer France  ayaa ka soo kabsanayay dhaawac karaan kurta ah isaga oo ku rajo weynaa in uu qaato tababarka ugu dambeeya ka hor kulanka arbacada ee Arsenal.

Laakiin xidiga ayaa soo gaaray dhaawac kale kaas oo wal-wal weyn ku ah tababare Maurizio Sarri kaas oo ay dhaawacyo uga maqan yihiin xidigo.

Dhakhaatiirta Chelsea ayaa baari doona sida uu dhaawaca N,golo Kante u xun yahay laakiin waxa ay u muuqataa in uu seegi doono finalka Europa league.

Xidigaha Antoio Rudiger, Callum Hudson Odoi & Ruben Loftus- Cheek ayaa haatanba la xaqiijiyay in ay seegi doonaan finalka Europa league taas oo xaalada ku adgeeyneeyso tababare Sarri.

Taas ayaa la macno ah in ay Chelsea kaliya khadka dhexe u haysato xidigaha Jorginho Ross barkley & Matteo kovacic ka hor kulanka finalka ee arbacada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close