Wararka

Wasiir Maareye oo sheegay Gorta uu furmi doona tiyaatarka qaranka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed  Abdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay xiliga la furi doona diyaatarka qaranka Soomaaliya waxaa uuna sheegay in bisha December ee sanadkaanla furi doona Tiyaatarka Qaranka.

Wasiirka ayaa aad ugu mahadceliyay Midowga Yurub oo u sheegay in ay gaalin mug leh ka qaateen dhismaha Tiyaararka qaranka isagoo ka codsaday in inta dhimana ay waxbadan ka qabtaan.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in Tiyaatarka Qaranka uu ahaa meeshii laga soo saari jiray jiil soo bandhiga dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida waxa uuna sheegay in dhaqanka Soomaalida ay u adeegsan jirtay in ay iskuugu gudbiyaan fariimo kala duwan.

Mohamed  Abdi Xayir ayaa sheegay in Tiyaatarka Qaranka oo si casriyeysan loo dhisay uu qaadi doona ilaa 2,000 oo ruux waxaa uuna intaasi ku daray in furitaanka kadib ay qaban doonaan tartama ay ku soo xulanayaan da’yarta danaynayso in ay ka mid noqdaan kooxaha fanka iyo dhaqanka ee ka jiro dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close